Published On: Fri, Aug 3rd, 2012

Tartanka Orodada Aduunka Oo Maanta Daaha Laga Qaadi Doono iyo Oradyahanadena Soomaliya oo Ka Mid Ah Kuwa Ordaya

Share This
Tags

Maanta waxaa lagu wadaa in  Garoonka   Olympic Stadium ee London  lagu daah furo Tartanka Orodada ee Olympikada Aduunka, kagadaal  markii todobaadkii hore la furay, iyadoo ay ordayaan ilaa ciyaartoy fara badan ay manta la rajaynaayo inay wacdaro ka dhigaan.

 

Tartanka maanta waxaa ka qeyb galaya Orodyahanada Soomaaliya  magcooda ku matalaya ciyaaraha Olympikada Aduunka ee lagu kala magacaabo Zamzam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan, kuwaasoo maalmahan ku guda jiray diyaar garow adag indhaha dadka soomliyeedna ay  ku fooraraan .

 

Zamzam Maxamed Faarax ayaa ordeyda 400-Mitir gelinka hore ee London, marka ay saacada geeska Afrika ay tahay 2-da duhurnimo ama Sideed saac, waxaana Soomaali badan ay rajo ka muujiyeen  inay guul soo hoyn doonto .

 

Sidoo kale Maxamed Xasan ayaa isna ordi doona galabta, balse  waxaa la ordi doono Orodyahano u kala dhashay Itoobiya iyoKenya, kuwaasoo ah kuwa loo saadalinayo tartanka balse ducada dadka soomaliyyed ay la jirto orodyahanadan tartanka ay guulo ka keenaan.

 

Soomaali badan oo ku nool magaaladaLondonayaa rajo wanaagsan ka qaba inay guul soo hoyaan Zamzam iyo Maxamed, iyagoo ku soo dhoweeyay magaalada, dar daarana u wada jeediyay.

 

 

Waxaana ilaah uga baryaynaa waa bil Ramadaan ah in ilaa Garabkooda uu istaago oo ay guul ay ku farxaan dadkeena soomaliyeed ay keenan Zamzam iyo Maxamed insha alaah .

 

Koonis Sports Onlins

 

About the Author

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.