Published On: Wed, May 2nd, 2012

Roma Oo Heshiis La Gaartay Andrea Vilash Boash.

Share This
Tags


Waxa uu daaha ka qaaday wargeyska Ebola ee kasoo baxa Portugal in kooxda Roma ay heshiis la gaartay Vilash Boash, kooxdaana uu tababare u noqon doono xili ciyaareedka soo socda isagoo bedeli doona Luis Enrique.

 

Roma ayaa ku nool xaalad aad u qalafsan, waxaana dhinaca jamaahiirta uga imaanaya eedeymdo kulul kuwaas oo ku socda tababare Luis Enrique, waxeyna hada ku jirtaa kooxdu booska sodobaad, waxaana la saadaalinayaa in tababarahaan uu meesha kabixi doono marka xiligaan uu dhamaado.

 

Vilasha Boash waxa uu sanadkaan kasoo shaqeeyay kooxda Chelsea laakiin guulo wanaagsan magaarsiin, waxaana xilka laga qaaday bilo ka hor kadib markii uu kooxda la degay, waxaana hada laga yaabaa in Roma uu qabto xiliga soo socda.

 

Koonis Sports Online

About the Author

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.